Aqoon korodhsiyada WorkSource Oregon

Ku fur mihnadaada shaqo ee mustaqbalka Aqoon korodhsiyada WorkSource Oregon.

Iskaashiga aanu la neelahay LinkedIn Learning ayaa aad ku heli kartaa kumanyaal koorsooyin tayo sareeya ah si aad sare ugu qaato xirfadahaaga iyo shaqo helida.
Isticmaalka aqoon korodhsiyada WorkSource Oregon iyo ilaha LinkedIn Learning, waxaad heli doontaa xirfadaha iyo aqoonta si aad ugu guulaysato raadinta shaqadaada iyo mihnada mustaqblaka. Ha seegin fursadan si aad ugu maalgeliso kobocaaga xiradeed oo aad uga dhex muuqato suuqa shaqada tartarnka badan.
 

Sida looga soo galo LinkedIn Learning dhexda WorkSource Oregon:

  1. Bilaash iskaga diiwaan geli bogga www.imatchskills.org oo samee cusboonaysiinta borofaylkaaga shaqo raadiyaha ah.
  2. La xidhiidh xaruntaada maxaliga ah ee WorkSource telefoon ahaan ama booqo hal ka mid ah xafiisyadayada qof ahaan si aad u hesho ruqsada LinkedIn Learning.
  3. Marka laguu magacaabo ruqsada LinkedIn Learning, waxaad heli doontaa linkiga iimaylka. U isticmaal linkigan iimaylka si aad u soo gadho kooyadaada la gaar yeelay ee LinkedIn Learning.

Faa'iidooyinka LinkedIn Learning

LinkedIn Learning waxay bixisaa in ka badan 16,000 oo koorsooyinka ganacsiga ah, teknoolajiga, iyo hal abuurka si loogu tartamo suuqa shaqada ee maanta. Halkan waxaa ah dhow tusaalooyinka koorasada ah si loo muujiyo sida LinkedIn Learning ay kaaga caawin karto xoojinta shaqo raadintaada iyo horumarka mihnada shaqo.
  • U diyaar garowga waraysiga: Ku wanaagsanow su'aalaha waraysiga guud iyo xeeladaha si ay ula dhacaan loo shaqeeyayaasha mustaqbalku.
  • Aad u wanaajinta siifiiga: Baro sida loo sameeyo siifiiga muuqda ama u wanaaji isaga nidaamyada raad raaca codsadaha.
  • Xeeladaha shabakad ku xidhida: Samee xirfadaha shabakad ku xidhid waxtar leh si aad u kordhiso xidhiidhadaada xirfadeed.
  • Summada gaar ah u samaynta: Sameme summad gaar ah oo aad kaga soocdo naftaada gudaha suuqa shaqada.
  • Gorgortanka mushaharka: Hel kalsoonida ka gorgortanka mushaharkaaga iyo dheefaha.
  • Taageerada wareejida mihnada: Hel caawimo marka aad beddelayso mihnidahaaga, ay ka mid yihiin ciidankii hore ee ku noqonaya doorarka muwaadinka.
LinkedIn Learning waxay bixisaa koorsooyinka fiidyaha oo ku qoran 13 luqaddoo iyo qoraalada hoose ee mashiinku u turjumayo in badan 20 luqaddood. Waxaad beddeli kartaa waxay ka kooban tahay luqadda LinkedIn Learning si aad u gasho koorsooyinka luqaddaada aad rabto adigoo ku beddelaya habbaynta luqadda ama dookyada setinka kootadaada.
 

Codsiyada Aqoon korodhsiga Gobolka ee Guusha leh

Salaasa kasta oo kale 10:30 subaxnimada – 12:00 duhurnimo

Ma xiisaynaysaa codsashada shaqooyinka ee gobolka Oregon? Soo xaadir aqoon korodhsigan onlaynka ah ee ay bixiyaan shaqaalaha WorkSource si dib loogu eego sida loo raadiyo ogaysiisyada shaqada Gobolka Oregin, wakaaladaha iyo kala soocida shaqada. Sahami sida loo hagaajiyo faahfaahinta shaqada siifiigaaga.

Fadlan ogsoonow, aqoon korodhsigan keliya waxaa lagu bixiyaa Ingiriisi laakiin adeegyada turjumaada waxaa lagu heli karaa codsi.
 

Oregon Employment Department (OED) waa wakaalada fursad loo siman yahay. Qof kastaa xaq ayuu u leeyahay inuu isticmaalo barnaamijiyada OED iyo adeegyada. OED waxay bixisaa caawimo bilaash ah. Qaar ka mid ah tusaalooyinku waa: Luqadda Dhegoolaha iyo turjumaada luqadda hadalka ah, qoraalada ku qoran luqaddaha kale, farta qoraalka indhoolaha, maqalka iyo qaababka kale. Haddii aad caawimo u baahan tahay, fadlan soo wac 503-947-1670. Isticmaalayaasha TTY wac 711. Waxaad sidoo kale caawimo ka waydiisan kartaa OED_WSO_Workshops@employ.oregon.gov.